Garoowe: Shaqaalaha Dowladda Puntland oo berrito la fasaxay (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Shaqadda, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha Dowladda Puntland Jaamac Faarax Muuse, oo Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay inay fasax yihiin maalinimada birrito ah oo khamiis ah dhamaan shaqaalaha Dowladda ee ka howlgalla degaanada Puntland..

Wasiir Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa sheegay in berrito loo fasaxay shaqaalaha Dowladda, inay ka qeyb noqdaan Roob-doon balaaran oo ka qabsoomeysa Guud ahaan Degaanada Puntland, taas oo ay Golaha Wasiiradu iclaamiyeen Khamiistii lasoo dhaafay ay ku yeesheen Magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dhamaan berrito la xirayo Goobaha Ganacsiga iyo Waxbarashada ee Degaanada Puntland, si loo sameeyo alle bari balaaran.

Daawo.

IDIL NEWS