Maxaad kala socotaa dagaalka Fahad,Farmaajo iyo Khayre ku hayaan Beesha Majeerteen?

Waxaa is weydiin leh dagaalka Farmaajo kula jiro Beesha Majeerteen oo Fahad iyo Kheyre dabada ka wadaan halka uu ku dhamaan doono.

Wax badan ka ogow Cadaaladda Darada iyo Dagaalka qaawan ee Fahad, Farmaajo iyo Kheyre ay kula jiraan Beesha Majeerteen, gaar ahaan reer Muduga:-

  1. Bishii Jan 2018 Madaxwene Farmaajo ayaa booqasho ku tagay Gobolada Puntland. Gobolka Mudug wuxuu kala kulmay booqashadii ugu sareysay ee Madax Soomaaliyeed lagu marti sooro
  2. Waxaa Nasiib Darro ah in 30-kii August 2018 Raysal Wasaare Kheyre oo horay u balan qaaday in uu dhagax dhigayo Mashruuca Dekedda Garacad uu ka baaqday. Kaddib markii Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad ay ka hor istaageen.
  3. Tartankii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe,ayaa waxaa shakhsiyaadkii ugu dhibcaha badnaa ka mid ahaa Dr Hussein Khalif Xaai Jaamac. Nasiib darro jagagadaas waxaa hor istaagay Fahad,Farmaajo iyo Kheyre oo u magacaabay wiil Xafiiskiisa ka ah La-taliye.
  4. Shirkii Golaha Amniga ee todobaadkii hore ayaa lagu Gudoomiyey in Eedda Amni darada dusha laga saaro Agaasime Sokor Jamac Geyre ayadoo la daboolayo fashilka Hayadda NISA iyo Wasaaradda Amniga.

Dagaalkan qaawan ayaa ah mid laga xumaado. Khatarna ku ah nabadda iyo midnimada Soomaaliya.

Jibril Qoobey.