Muqdisho: Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulan isugu yeeray Madaxda Warbaahinta

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa saaka kulan la yeelanaya Agaasimayaasha iyo Madaxda Warbaahinta Madaxa Banaan ee Muqdisho.

Kulankaan oo u dalbaday guddoomiye Mursal ayaa looga hadli doonaa arrimo la xiriira Warbaahinta iyo Baarlamaanka xilli dadaal loogu jiro in Warbaahinta laga joojiyo tebinta Kulamada Baarlamaanka Soomaaliya.

Shalay ayaa intooda badan waxaa Xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka looga yeeray Agaasimayaasha iyo Madaxda Warbaahinta Muqdisho, sida Tv-yada iyo Idaacadaha ku yaalla Caasimadda.

Kulankan ayaa daba socda xilli dhawaan buuq ay sabab u ahaayeen Wariyeyaasha muqdisho uu ka dhacay Kulankii Sabtidii la soo dhaafay ee Golaha Shacabka, kaas oo u baaqday sababao la xiriira in Saxaafada ay kulanka banaanka ka joogto iyo inay ka qeybgasho taas oo ay isku khilaafeen Xildhibaananda Golaha Shacabka.

IDIL NEWS