Garoowe: Shirka Af-hayeenada Baarlamaanada Soomaaliya oo lasoo gaba-gabeynayo

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirka Af-hayeenada Sharci dejiyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa lagu wadaa in maanta lasoo gaba-gabeeyop.

Shirkan oo ah kii 5-aad ee ay yeeshaan Af-hayeenada Baarlamaanada Dowlada Federaalka iyo Dowlad Gobaleedyada ayaa intii uu socday looga hadlayay iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalle Cawad oo ka hadlay furitaankii shirka, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay wadajirka, iskaashiga iyo dhameystirka Dastuurka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland, iyadoo shirkan laga reebay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, sababo u muuqata khilaafka maamulkaas iyo Labada Guddoomiye Baarlamaan ee kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa shirkan ayaa ka dhawaajiyay in loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka Galmudug iyo kan u dhaxeeya Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

IDIL NEWS