Sonkor Jaamac Geyre oo xilkii laga qaaday

Shirka Amniga Qaranka Soomaliya,ayaa Eedda Amni darada dusha ka saaray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca. Agaasimaha Nabad Sugidda, Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir oo intaba la sheegay in ay ku fashilmeen xilalkoodii ayaan waxba laga soo qaadin.

Nasiib darro, Reysal Wasaare Kheyre ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Agaasimaha Wasaarada Difaaca oo qura,xilka qaadistaas oo ku soo beegay xilli uu safar u joogo waddanka Mareykanka asagoo lagu haysto inuu ku fashilmay Amniga Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo oo fadhiyey Shirka Amniga Qaranka,ayaa ku raacay in eedda Amni darada dusha loo saaro “Mudane Sokor Jama Geyre” oo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Difaaca.

Arrintaas,ayaa ah Nasiib darro. Mudanaha xilka laga qaaday ayaa ka soo jeeda Puntland.

Halkan ka akhriso wareegtada xilka qaadista