Aaran-jaan oo ku habsaday Wasaaradii labaad Ee ugu mashaariicda fiicnayd Puntland

Garoowe (IDILNEWS).Madaxweyne Deni,ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii Wasaarada Deegaanka Axmed Cali Shire Keyse oo kasoo jeeda Gobolka Sool kana mid ahaa Agaasimayaashii ugu aqoonta fiicnaa Dowladii Madaxweyne Gaas.


Deni,ayaa umagacaabay booskaas mid ka mid ah xubnaha ugu muhiimsan kooxda Aaran-jaan,kaasoo lagu magacaabo Cabdicasiis Nuur Koor.


Cabdicasiis,ayaa soo qabtay xilal ka duwan oo ay ka mid ahaayeen Duqa caasimada iyo dhawr Wasaaradood oo uu Agaasime guud kasoo noqday.


Wasaarada Deegaanka oo ka mid ah kuwa ugu mashaariicda badan Wasaaradaha Puntland,ayaa sanadkan heli doonta dhawr mashruuc oo waa weyn oo lagu qiyaasay lacagta ku baxaysa 25-Milyan oo dolar.


Dhaqamada lagu yaqaan kooxda Aaran-jaan,ayaa ah in ay gacanta ku qabtaan guud ahaan ilaha dhaqaalaha.


Dowlada uu hogaaminayo Madaxweyne Deni,ayay kooxdan bulshadu ka fog tahay waxay ku leeyihiin saamayn xoog leh oo dhan walba ah.