Cumar Xasan Albashiir oo kursigii laga tuuray (Daawo)

Wasiirka gaashaandhigga Sudan, Awad Mohamed Ahmed Ibn Auf ayaa taleefishinka qaranka dalkaas ka sheegay in ciidamada ay xukunka ka qaadeen islamarkaana xireen madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir.
“Waxaa aniga oo ah wasiirka difaaca ku dhowaaqayaa in xukunka laga tuuray taliskii islamarkaana madaxii taliska meel ammaan ah lagu hayo” ayuu yiri Ibn Auf.


Waxa uu sheegay in milatariga ay xaalad deg deg ah geliyeen dalka, islamarkaana dhiseen guddi maamula dowladda muddo laba sano ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhammaan dowladihii heer gobol iyo heer deegana la kala diray.


Al-Bashiir ayaa afgambi ay taageerayeen Islaamiyiinta ku qabsaday xukunka sanaddii 1989-kii, waxaana xukunka laga tuuray kadib afar bilood oo dibad-baxyo joogto ah.


Dibad-baxyada Sudan ayaa billowday 19-kii December 2018, markaasi oo qaar ka mid ah shacabka ay dowladda Al-Bashiir ku eedeeyeen inay si xun u maareysay dhaqaalaha dalka, taasi oo sababtay sare kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.


Ugu yaraan 22 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo dhex-maray ciidamada iyo dibad-baxayaasha, sida ay sheegaan kooxaha u dhaqaaqa bulshada.
Jenaraalka cusub ee ciidanka kasoo dhex baxay ee shacabka u hiiliyay , wax badan ayuu ka shabahaa Al-bashiir waana askari kale oo ay u bdantahay in hunguri ka hayo xukunka.Inqilaabyada ciidanka ee dunida saddexaad ka dhaca intooda badan lama mahadiyo , waxayna aakhirka ku dameeyaan ka dar oo dibi dhal.


Inta badan caalamka Carabta,ayaa laga hadal hayaa isbadalka ka dhacay Sudan,iyadoo lays waydiinayo in shacabka Sudan jeneraal Bin Coof-ka saakay xukunka la wareegay ma unoqon doonaa Suwaari Dahab oo kale oo ahaa jeneraal intuu shacabka u hiiliyay markiiba gacantooda xukunka kusoo celiyay , taariikhdana baal dahab ah ka galay,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkanka daawo muuqaalka