Maraykanka oo Liiska argagaxisada ku daraya ku dhawaad 90-Qof oo Soomaali ah!!!

Shaqsiyaadkaasi liiska lagu darayo ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin 3-Haween ah oo midi ay qurbe joog tahay.

Halka 76-xubnood kale ay yihiin Rag qaarkood ay caan yihiin, qaarna ku cusub yihiin indhaha bulshada.

Liiskaas oo State Department ay sii deyn doonto marka ay hay’adahooda amniga iyo Aqalka Cad ay fasaxaan,ayaa dadka ku jira waxaa ka mid ah:

1. 20-xildhibaan oo qaarkood Xildhibaannimada ka hor eeddo ah loo heysto.

2. 7-xubnood oo ah madax iyo dagaalamayaal Alshabaab ah.

3. 10-siyaasiin hore ah oo qaarkood xilal sare soo qabteen qaarna ay hubeysan yihiin.

4. 10-Ganacsade oo qaarkood ku eedeysan in ay dhaqaale u kala gudbiyaan Alshabaab iyo shaqsiyaad carbeed oo taageersan.

5. 6-xubnood oo dagaal oogenimo ku eedeysan.

6. 12-Wadaad oo fikir ahaan u taageersan hawlaha Alshabaab, qaarna ku sugan yihiin deegaanada ay Alshabaab maamusho.

7. 4-xubnood oo qurbo joog ah.

8.9-xubnood oo ku eedeysan afduub Dad iyo Maraakiib.

9. 10-Xubnood oo horey uga tirsanaa Alshabaab, qaarkoodna ay xilal muhiim ah hayaan hadda.

Dadkan maxay wajihi doonaan?

1. In hantidooda la xayiro

2. In safarrada laga xayiro.

3. In Dowladda Fadaraalka Soomaaliya lagu qasbo in ay saxiixdo Qaraarka ay ku dhisan tahay Maxkamadda caalamiga ah ee denbiyadda, si Dadkan qaarkood cadaalad caalami ah loo horkeeno.

4. In kuwooda xilalka haya xilalka laga qaado si loo Maxkamadeeyo.

Aqalka cad ee Mareykanka,ayaa maalin ka hor cusbooneysiiyey xaaladdii deg-degga aheyd ee Soomaaliya, taas oo weji cusub galineysa ku lug lahaanshaha Mareykanka ee arrimaha Soomaaliya.