Puntland oo ku dhawaaqday Dagaal ka dhan ah Kooxda Takfiir (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)- Dowladda Puntland ayaa Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland kaga dhawaaqay howlgal weyn oo lagula dagaallamaayo Ururka Takfiir oo sanadihii ugu dambeeyay isku fidinayay Degaanada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Dowladda Puntland Cawil Sheikh Xaamud Maxamed, ayaa sheegay in gudaha Puntland ay ku sii faafayaan kooxo aaminsan fikirka Al-takfiir (gaalaysiin), isagoo ku dhawaaqay in Puntland la’dagaallamayso kooxahaasi.

Wasiirka  ayaa sheegay in kooxaha Takfiirku ay Puntland ka wadaan, caqiido maroorsan oo lagu fasahaadinayo umadda, waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin firqad xun oo khatar ku ah caqiiqada iyo qiyamka bulshada, haddii aan lala dagaallamin sida uu hadalka u dhigay.

“Takfiirku waa arrin haatan Puntland ku faafaysa runtii, waxaan damacsannahay in aan arrintaas takfiirka laga hortago, waxaan ka hor istaagaynaa in ay masaajiddo ama xarumo yeeshaan, waxaan la dagaallamaynaa in aan joojinno fasahaadkooda. Takfiirku waa firqad xun waana fasahaad” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud.

Daawo.

IDIL NEWS