Denmark OO 21 Milyan oo Dollar ugu deeqday Soomaaliya.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Dowladda Denmark ayaa kaga dhawaaqday Magaaalda Washington ee dalka Mareykanka in ay dowladda Soomaaliya ay ku taageerayso dhaqaalle dhan  21 million oo dollar oo loogu tala galay in wax looga qabto Xaalada Soomaaliya.

Dowladda Denmark ayaa sheegtay in lacagtaan loogu tala galay in wax looga qabto Abaaraha ,Kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo Ammaanka Soomaaliya.

Safiirka dowladda Denmark ee Soomaaliya Mette Knudsen sheegtay in Soomaaliya ay horumo wanaagsan ka sameysay dhanka dhaqaallaha,islamarkaana loo baahan yahay in dalalka Caalamka ay ka cafiyaan deymaha ay ku leeyihiin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hirgelisay qorshe dib-u-habeeyn dhaqaale iyo mid hay’adeedba oo waqti dheer ah. Kaalmadan cusubi waxay ujeeddadeedu tahay sidii loo taageeri lahaa hay’ado wax ku ool taas oo ah dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo hoos u dhaca saboolnimada” ayay tiri Mette Knudsen

IDIL NEWS