Gen. Shoode “Ciidanka Daraawiish-ta Puntland waxay Saldhig u ahaayeen in DF tagto Muqdisho” (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiish-ta Dowladda Puntland Gen. Siciid Axmed Maxamed (Shoode), ayaa hambalyo ku aadan 12 April u diray Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Difaaca Puntland ee Daraawiish-ta.

Gen. Siciid Shoode ayaa sheegay in dhib badan laga soo maray Aas aaska Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed, isagoona sheegay in mudadii ay jireen ay guulo badan u soo hoyiyeen Shacabka, sidoo kalena ay ka difaaceen dalka Cadowyo kala duwan oo ku soo duulay.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Daraawiish-ta Puntland Gen. Siciid Shoode, ayaa si gaar ah ugu dheeraaday aas-aaskii Ciidanka Daraawiish-ta Puntland, isagoona sheegay in Ciidankan oo jiray Mudada Puntland ay dhisan tahay ay dhabarka ka jabiyeen Cadow fara badan oo kusoo duulay Mandiqada, sidoo kalena uu Saldhig u ahaayeen in Dib loo geeyo Magaalada Muqdisho Dowladda Soomaaliya.

Daawo.

IDIL NEWS