Madaxweyne Karaash oo kulan la qaatay laamaha Amniga Iyo Cadaaladda Puntland (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan la qaatay laamaha Cadaaladda, Garsoorka iyo Amniga Puntland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ku wehelinaayey Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Caddaalada iyo Haweenka iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, kulanku intii uu socday si qoto dheer ayaa looga wadahadlay arrimaha cadaaladda iyo sidii kor loogu qaadi-lahaa.

Sidoo kale kulankan oo ahaa mid muhiim ah waxaa dhinacyadii ka qayb-galay oo isugu jiray Booliska, CID-da, Maxkamadaha, iyo Asluubta ka xog-warameen kiisaskii ugu danbeeyey ee ka dhacay Puntland, gaar ahaan arrimaha kufsiga iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Shiikh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka.

“Madaxweynaha oo ka soo qayb-galayaasha shirkan isugu yeeray waxa uu ku saabsanaa sidii kiisaska hadda taagan oo kufsigu kow ka yahay loo dedejin lahaa, ciddii danbiga gashayna Cadaaladda loo marin lahaa, dadkii dhibaatada loogaystayna loo daawayn lahaa”. ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Cawil Shiikh Xaamud.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa laamaha kala duwan ee shirka kasoo qayb-galay ku booriyay inay wada shaqayn xooggan yeeshaan, si arrimaha Cadaaladda kor loogu qaado, loona suuriyo ficilada foosha xun-xun ee soo laalaabtay.

Daawo.

IDIL NEWS