Mareykanka oo uga digay Madaxweynaha Puntland inuu Tago Shiinaha!

ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Dowladda Mareykanka ayaa uga digtay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, in uu u socdaalo Dalka Shiinaha, oo lagu waday in maalmaha soo socda uu gaaro.

Madaxweynaha Puntland oo haatan ku sugan Magaalada Abu Dubia ee Dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta ayaa la filayay in saacadaha soo soo aadan uu u gudbo Magaalada Bejing ee caasimadda Shiinaha, halkaas oo uu marti-qaad ka helay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowladda Mareykanku ay soo gaarsiisay Madaxweynaha Puntland Farriin ku aadan in aysan marnaba ogalaan doonin Xiriir cusub oo dhex mara Dowladda Puntland iyo Shiinaha, oo loolan adag uu kala dhexeeyo Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay in hadii uu Deni u socdaalo Shiinaha uu dagaal Siyaasadeed iyo mid Dhaqaale kala kulmi doono, Iyagoona taas bedelkeeda sheegay inay iyagu siin doonaan Taageero ka baaxad weyn tan hada ay ka hesho Puntland.

Sidoo kale, Mareykanka ayaa u balanqaaday Madaxweynaha Puntland in Taageerada Mareykanka ee Soomaaliya aan lasoo marsiin doonin Dowladda Federaalka, Iyadoona Qoondada Puntland si toos ah loo soo gaarsiin doono.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu haatan Go,aansaday in uu ka baaqsaday Safarkiisa Shiinaha, Isagoona Maalmaha nagu soo aadan dib ugu soo laabanaya Degaanada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa lagu waday in uu Shiinaha Kula kulmo xubno katirsan Xukuumadda Shiinaha iyo Ganacsato dalkaas u dhalatay, kuwaas oo uu kala hadli lahaa sidii ay u maalgashan lahaayeen Dhulka Hodanka ah ee Puntland.

Dowladda Mareykanka ayaa taageero Dhaqaale iyo Tababar siisa Ciidanka PSF-ta Dowladda Puntland, kuwaas oo dagaal kula jira Kooxaha Argagixisada ah eek u dhuumaaleysanaya Buuraleyda Gobalka Bari.

IDIL NEWS