Muqdisho: Dowladda oo dadaal ugu jirta xalinta Banaan-baxyo ka dhashay Dil (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Banaan-baxyo balaaran ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kaddib markii Ciidanka ammaanku ay dileen Darawal Mooto-bajaaj iyo Qof rakaab ah oo la socday.

Banaan-baxayaasha oo u badnaa Dhalinyarada ku xamaasha Mooto-bajaajta, ayaa xiray qaar kamid ah Isgoysyada Waddooyinka Magaalada Muqdisho, Iyagoona taayaro ku gubay, Sidoo kalena ku dhawaaqayay Erayo ay uga soo hor-jeedaan Gumaadka Dhalinyarada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ku baxay dibad baxayada, iyagoo ka codsaday inay xaalada dejiyaan Dhalinyarada.

Guddoomiye Yariisow ayaa ugu baaqay dhalinyarada inay si nabad ah ay ku muujiyaan shucuurtooda oo ay nidaamka ilaaliyaan.

Waxaa uu uga tacsiyadeeyay wiilkii dhalinyarada ee dhintay, isagoo balan-qaaday in Maxkamad la soo taagi doono askarigii falkaas ka dambeeyay, isla markaana aanay aqbali doonin in la dhibaateeyo dhalinyarada.

“Nidaamka ilaaliya, si nabad ah shucuurtiina ku muujiya, dalka idinka ayaa leh, taayarada la gubayo hala joojiyo”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Taliyaha Booliska Jen. Bashiir ayaa balan-qaaday in askariga dilka geystay sharciga la horkeenayo, lana maxkamadeyn doono, waxaana uu ka codsaday dhalinyarada in aan lagu soo dhex dhuuman oo dadka rabshadaha wata ka fogaadaan.

Daawo.

IDIL NEWS