Muxuu Isku Casilay Hoggaamiyihii Afgambiga Sudan Ibn Auf ? (Daawo)

KHARTUUM (IDIL NEWS)-Hogaamiyihii Milatarigii afgambiyay dowladii uu madaxda ka ahaa Cumar Xasan Al-Bashir ayaa ku dhowaaqay goor dhow inuu is casilay.

Wasiirkii Gaashaandhigga Awad ibn Auf ayaa ka sheegay go’aankan taleefishinka qaranka dalka Sudan.

Awad ayaa u magacaabay inuu bedelo General kale oo lagu magacaabo Cabdifatax Abdulraxman Burhan.

Is casilaada Awad ayaa timid kadib markii dadka banaanbaxa ka dhigaya magaalada Kharduum ay diideen inay joojiyaan banaanbaxa illaa uu iska casilayo hogaamiyihii afgambiga.

Hase yeeshee ciidamada ayaa ku adkeysanaya inaysan dooneyn xukun balse ay mustaqabalka dalka Sudan ay go’aan ka gaarayaan dadka banaanbaxa dhigaya.

Illaa iyo hadda lama oga inay aqbali doonaan is casilaada kumanaanka ruux ee banaanbaxa ka dhigaya gudaha magaalada Kharduum caasimada dalka Sudan.

Daawo.

IDIL NEWS