Waa kuma hogaamiyaha 2-aad Ee Sudan la wareegay?(Daawo)

Khartuum (IDILNEWS),Suudaan waxaa ka dhacay Isabadalo kadib markii xukunka laga tuuray Madaxwayne Cumar Xasan Albashiir.


Hogaamiyihii Badalay Cumar Albashiir,ayaa Hal Maalin markii uu Xukunka hayey ku dhawaaqay inuu Iscasilay.


Hogaamiyaha Cusub ee Tallada dalka Suudaan lagu wareejiyay Cabdifataax Al-burhaan,ayaa noqday gudoomiyaha golaha malatariga ku meelgaarka ah.


Cabdifitaax,ayaa ka akhriyey tilifayshanka qaranka Suudaan war-murtiyeedkii 3-aad ee golahaas,waxaana ugu muhiimsanaa warmurtiyeedka uu soo saaray Goluhu qodobadan soo socda:-.


1-Laalista qaanuunka xaaladdii deg-degga ahayd iyo bandowgii.


2-Siidaynta dhammaan Maxaabiistii loo xiray banaanbaxyada ka dhanka ahaa Madaxweyne Albashiir


3-Golaha malatariga,ayaa gacanta ku hayn doona talada dalka Suudaan muddo 2 sanadood oo ku meel gaar ah kaddib waxay ku wareejin doonaan xukuumad rayid ah.


4-Xabbad joojin guud ahaan dalka Suudaan oo dhan .


5-soo qabashada iyo maxkamadaynta kuwii ka danbeeyey laynta shacabka.
Xil ka tuurista AlBashiir waxay timid kaddib bilooyin ay socdeen deganaanshiyo la’aan bilowday bishii Disembar kuwaas oo ka kacay sicirka oo sare u kacay,waxaana ku naf waayay dad lagu qiyaasay 38-qof mudaaharaadyadaas.


Ibnu Cowf wuxuu madax u ahaa sirdoonka milateriga intii ay socotay colaadda Darfur. Mareykanka ayaana cunaqabateyn ku soo rogay 2007.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka