Wasiir Goodax “Dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka Amnigeena ayuu sugayaa”

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa difaacay dhagxaanta lagu gooyay waddooyinka jidcadayaasha ah ee halbowlaha u ah isu socodka xaafadaha Muqdisho.

C/llaahi Goodax Barre ayaa tusaale u soo qaatay dalka Algeria oo horay dhibaato ugu dhacday in darbi lagu wareejiyay, isagoo xusay in dhagaxu uu yahay mid amniga lagu sugayo, isla markaana uu badbaadinayo nolosha dadka Soomaaliyeed.

“Algeria baladkan dhan darbi ayaa lagu wareejiyay, markii ay dhiida noqotay, hada marka dhibaato dhacyo oo waagii baryo ay dad intaas ah dhimaneyso ma dhowraneyno, jid cadayaasha soo gala jidadka waa weyn dhagxa ayaa lagu gooyay, si hal meel baladka looga soo galo, waa wax Kumeel gaar ah”ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre oo ka qeyb galayay dood ka baxday Telefishinka Universal.

Waxaa uu sheegay gudaha magaalada ay Ciidamada ka wadaan howlgallo lagu sugayo amniga, waxaana uu intaa ku daray inuu socdo qorshe.

“Dhagaxu macno ayuu leeyahay, yaan la kahsan, halala shaqeeyo Ciidamada, meesha dhagaxa ka dabcdo kuwa kale dhiga, si dariiqa u saxmo, yaan afka la idin gelin dhagaxa xun ee ay leeyihiin nimanka mucaaradka ah, dhagaxa ma xuma Amniga ayuu sugaa nolosheena iyo dad Soomaaliyeed ayay badbaadineysaa”ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada.

Wasiir Goodax ayaa ka mid ah Xildhibaanada ugu afka dheer oo si adag u difaaca Xukuumadda, waxaana mararka qaar uu aad uga hadlaa arrimaha amniga oo aanay Wasaaraddiisa u xilsaarneyn, isagoo lahjado adag u adeegsada Xildhibaanada Mucaaradka ee Xukuumadda ku kacsan, waxaana todobaadkii hore uu Xildhibaan ku tilmaamay inuu yahay Shabaab.

IDIL NEWS