Garoowe: Baarlamaanka Puntland oo Guddi u saaray Arrimaha Kufsiga (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada Dowladda Puntland ayaa maanta ku yeeshay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, kulan ay uga arinsanayeen Falalka Kufsiga ah ee kusoo badanaya Degaanada Puntland.

Kulanka oo uu Shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo), ayaa Guddiyada qaabilsan Xuquuqul-insaanka iyo Caddaaladda ee Baarlamanka Puntland lagu amray in ay baaritaan dhab ah ku sameeyan Arrimaha kufsiga,si go’aanno looga soo saaro.

Sidoo kale , Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo Abaaraha baahsan ee ka jira degaano katirsan Puntland, Iyadoona loogu baaqay Shacabka, Dowladda iyo Hay’adaha samafalka inay u istaagaan u gurmashada Dadka Abaaruhu saameeyeen.

Xoghayaha Golaha Wakiilada Dowladda Puntland Cabdirisaaq Xiddig warsame, ayaa markii uu kulanku soo Idlaaday Warbaahinta la wadaagay waxyaabaha looga hadlay kulanka iyo Go,aanadii kasoo baxay.

Daawo.

IDIL NEWS