Gen. Bashiir “Saraakiil iyo Askar ayaa loo xiray Israsaaseyntii Muqdisho” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa sheegay in falalkii u dambeeyay ee Ciidamo ka tirsan dowladda isku rasaaseeyeen meelo ka mid ah Muqdisho loo xiray saraakiil iyo askar.

Jen. Bashiir oo xalay shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in hey’adaha amniga ay xabsiga dhigeen saraakiil iyo askar la tuhunsan yahay inay ku lug laheyd falalkii shalay iyo doraad ka dhacay magaalada Muqdisho

Sidoo kale waxaa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono askarigii ka hor-yimaada hannaanka sugid amniga, isla markaana aan loo dulqaadan doonin, isagoona xusay in Mas’uuliyiinta dowladda qaadi doonaan wixii hada ka dambeeya ee dhib uu geysto askariga ilaalada u ah.

Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay is rasaaseyn ku dhex maray magaalada Muqdisho, kaasoo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Daawo.

IDIL NEWS