Ilhan Omar Iyo Trump oo hadalo kulul is dhaafsaday Mar kale.

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Xildhibaanad Ilhaan Cumar  ka tirsan koongareeska Mareykanka ayaa shaacisay in aysan marnaba ogolaan doonin inay aamusto, kadib markii xilli ay khudbad jeedineysay ay wax ka sheegtay Madaxweyne Donald Trump sidoo kalena ay ka hadashay weeraradii September 2001.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa u jawaabay ilhaan Cumar, waxaana barta Twiterka uu kusoo qoray hadalo uu ugu jawaabayey Ilhaan Cumar oo ay ka mid ahaayeen” Waligeen ma hilmaami doono weeraradii 2001 iyo erayo kale.

Xisbiga Jamhuuriga ayaa si kulul ugu edeeyey Ilhaan Cumar inay si xun uga hadashay weeraradii Sanadii 2001,dii ,hayeeshee Xisbiga dimuqraadiga ayaa si weyn u difaacay, waxaana y sheegeen in si qaldan ay dad badan u turjumeen hadalka Ilhaan Cumar.

Ku dhawaad laba bilood oo xiriir ah ayuu socdaa hadallada xanafta leh oo ay Baraha bulshada isku marsiinayaan Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ah Soomaali ka tirsan koongareeska Mareykanka,waxaana haatan uu gaaray meeshii ugu xumeyd.

IDIL NEWS