Madaxweyne Lafta-gareen “Xaalad Biyo la,aaneed ayaa ka jira Degaanada Koonfur Galbeed” (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/caziiz Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa Sheegay in Xaalada Biyo la,aaneed oo aad u adag ay ka jirto Degaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Sheegay in Degmooyinka Baydhabo, Diinsoor, Xudur iyo Degaano kale oo katirsan Gobalada Baay iyo Bakool, ay ka jiro biyo la,aan baahsan.

Waxaa uu Sheegay in ay u xilsaareen Guddi Gurmad oo Wasiiro ah, oo ka shaqeeya sidii dadkaas ay u heli lahaayeen Biyo ku filan ayna dadaal ugu jiraan inay samata bixiyaan Dadkan ay abaaruhu saameeyeen.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed C/caziiz Xasan Maxamed Lafta-gareen, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu shalay Magaalada Muqdisho kula yeeshay Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda Degaanada Koonfur Galbeed.

Daawo.

IDIL NEWS