Mas’uuliyiinta Hay’adaha Ammaanka oo maanta hor-tagaya Baarlamaanka.

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Mas’uuliyiinta Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka, ayaa maanta hor-tagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo maalintii labaad Dood ka leh amniga Dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Doodoodii shalay si adag uga hadlay amniga Muqdisho, Iyagoona muujiyay dhaliilo ku aadan sida ay Xukuumadda u wajahday sugida Amniga dalka gaar ahaan Magalada Muqdisho.

Wasiirada Amniga, Gaashaandhigga Iyo Taliyeyaasha Ciidamada Millateriga, Booliska, Asluubta iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa maanta Goobjoog noqonaya Kulanka Baarlamaanka, waxaana kulanka uu noqon doonaa mid ay Saxaafada banaanka ka joogto.

Xildhibaanada ayaa mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga waxaa ay wax ka weeydiin doonaan xaalada amnidarro ay ka jirta Magalada Muqdisho iyo waxa uga qorsheysan, iyada oo ay xusida mudan tahay in todobaad ka hor muran uu ka dhashay kulan la filayey in su’aalo lagu weeydiiyo Mas’uuliyiinta Hay’adaha Amniga.

IDIL NEWS