Wuxuu yiri Madaxweyne Farmaajo, Mise waxa laga Filayay ?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi
Farmaajo, ayaa isagoo ka hadlaya Banaan-baxyo looga soo hor-jeeday
dilalka Ciidamada Dowladdu u geysanayaan Dhalinyarada ku
shaqeysata Mooto-bajaajta, waxaa uu sheegay in Dadka banaan-
baxyada wada ay ku jiraan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hor hadlayay Shacab la isku soo
uruurshay ayaa sheegay in Dowladdiisu ay shacabku doorteen, ayna
cagta marinayso haatan cid walba oo diidan Hab-dhaqankeeda, taas
oo u muuqatay in Madaxweynuhu uusan ogeyn wax aka dhalan kara
hadalkiisa.

Wuxuu yiri Madaxweyne Farmaajo, Mise waxa laga Filayay ?

Madaxweyne Farmaajo hadalkan uu shalay Jeediyay ayaa u Muuqday
mid Siyaasadeysan, Sidoo kalena uu ku marin habaabinayo Fashilada
aan indhaha ka qarsoomi Karin ee ay wajaheyso Xukuumadda
Soomaaliya.

Waxaa uu eedeeyn lala yaabay u jeediyay Shacabka Banaan-baxa ka
dhigayay Muqdisho, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay ku jiraan
Argagixiso, kasoo hor jeeda Dowladda uu isagu Hoggaamiyo, isagoo
sheegay in aysan yeeli doonin Banaan-baxyo looga soo hor-jeedo
falalka ammaan-darro eek a jirta Muqdisho.

Eeedeeynta uu u jeediyay Madaxweynuhu Shacabka eek u aadaneyd
inay ku jiraan Argagixiso ayaa abuurtay hadal heyn, Waxaana ii
muuqda in Madaxweynuhu uu iska indha tirayo Xaqiiqada ah in
laamaha ammaanka Soomaaliya ay si weyn ugu dhex-milantay
Argagixisadu.

Al-Shabaab ayaa sida ay muujinayaan Warbixino kala duwan oo ay soo
saareen Dowladdo iyo Hay’addo Caalami ah, Saameyn ku leh gudaha
Hay’adaha amniga Soomaaliya, Iyagoona si toos ah u hela Dharka iyo
Astaamaha kale ee Ciidanka Dowladda, kuwaas oo ay ku fuliyaan
Weerarada Xarumaha Dowladda.

Sidoo kale, Kooxda Al-Shabaab ayaa si dhow u hesha Xogaha
Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa kale ee ay lasoo wadaagaan Hay’adda
NISA iyo Xafiisyada kale Dowladaha Caalamka ee ay kamid yihiin
Mareykanka iyo Ingariiska.

Talo Soo Jeedin.

Madaxweyne 8 Febaraayo 2017-kii, Wixii ka horeeyay Umadda
Soomaaliyeed waxaad la laheyd Qiimo iyo in aad tahay Waxgarad
Soomaaliya Hoggaamin kara hadba waxa ay mudan tahay, taas oo ah
tan sababtay inaad shacabka ugu goodido idinkaa I rabay, maantana
ma diidi kartaan dhaqankeyga cusub.

Dowladda aad Hoggaamiso waxaa u haray wax ka yar 2 Sanno,
waxaana ku fashilantay dhamaan Balanqaadyadii aad u sameysay
Shacabka Doorashadaadii kahor iyo kaddib, taas oo meesha ka saartay
sida aan arko kalsoonidii Shacabku ku qabeen Dhamaan Siyaasiyiinta
Soomaaliyeed, sidoo kalena jecleysiisay inay ku hamiyaan inay dib u
hoggaamiyaan kuwo Dalka jiheyntiisa ku fashilmay.

Madaxweyne Waxaan kusoo jeedinayaa in aad u soo daadegto
Xaqiiqada Cad ee aadan marnaba marin habaabin Karin, Sidoo kalena
adiga oo aan is jeexin aad u shaqeyso Sanadka iyo Bilaha kuu haray in
Culeyska laga dejiyo Shacabka Muqdisho, dalkana loo diyaariyo
Doorasho lamid ah tii aad ku timid eek u dhacday Nabada iyo Is-
ogalaanshaha.

Danjire Maxamed Caalim

caalim68@hotmail.com

IDIL NEWS