Ammaanka Xildhibaanada Ilhan Cumar oo la Adkeeyay Iyo Hanjabaado (Daawo)

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaanada Aqalka Congorres-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa Shaaca ka qaaday inay Kordheen Hanjabaadaha loo soo diray, tan iyo wixii ka dambeeyay markii Madaxweynaha Dowladda Donald Trump uu baahiyay Muuqaal goos goos ah oo muujinaya naceyb.

Afhayeenadda Aqalka Congress-ka ee dalka Maraykanka Nancy Pelosi, ayaa sheegtay inay Sarkaalka dhinaca Ammaanka ee Aqalkaas kala hadashay Ammaanka Xildhibaanad Ilhan Omar iyo in ilaalo khaas ah loo sameeyo.

Hadal-qoraal oo ay soo saartay Nancy Pelosi waxay kaloo ku sheegtay inay doonayso inay Ciiddanka Boliska ee Capitol (USCP) ee u xil-saaran ilaalinta Ammaanka Xildhibaanadda dalkaasi inay Ilaalo Khaas ah u sameeyaan Ilhaan Cumar, Qoyskeeda iyo shaqaalaheeda.

“Waxay Ciiddankaasi sii wadi doonaan inay ilaaleeyaan iyo inay sheegeen Cabsida soo wajihi karta Ilhaan Cumar” ayey tiri Afhayenadda Aqalka Wakiiladda ee Maraykanka.

Nancy Pelosi waxay kaloo qoraalkeeda ku sheegtay in hadallada Madaxweyne Trump lagu miisaami karo Hal Tan iyo  inay nacaybkiisa ay abuuri karaan Khatar Xaqiiqo ah.

“Madaxweyne Trump waxaa waajib kuugu ah inaad hoos u dhigto Ixtiraam la’aantaada dadka kale iyo Muuqaalladda Video-ga ee Khatarta leh” ayey Afhayeenadda Aqalka Senedka Maraykanka si tooska ah ugu sheegtay Madaxweyne Trump.

Trump waxaa uu durbadiiba ka saaray Twitter-kiisa qoraalkii Eedeynta ee ka dhnaka ahaa Ilhaan Cumar.

Daawo.

IDIL NEWS