Boosaaso: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Kormeeray Bangiga Dowladda (Sawirro)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Waaradda Maaliyadda Dawladda Puntland Xasan Shire Cabdi iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa kormeeray Bangiga Dawladda Puntland ee Boosaaso.

Boqashadan Wasiirka waxaa ku weheliyay Wasiirku Xigeenka Maaliyadda Cumar Xasan Fiqi, Xisaabiyaha Guud ee Dawladda C/risaaq Siciid Nuur,Agaasime Guud ku xigeenka Dakhaliga Xasan Cali Samatar iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka iyo Waftiga uu Hogaaminaayay waxaa Bangiga ku soo dhoweeyay Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso Muuse aw Xuseen Ducaale halkaasi oo ay kulan ku wada qaateena masuuliyiinta labada dhinac.

kulan kaasi intii uu socday Maamulaha Bangiga laanta Boosaaso Muuse aw Xuseen Ducaale ayaa Wasiirka iyo Wasiirku Xigeenka u soo bandhigay in ay muhiim tahay inlaysku xiro khasnada Dawladda,Gobolada Puntland oo dhan.

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo dhoweeyay talaabadan dhanka isku xirka khasnada Dawladda Gobolada Puntland oo dhan.

intii uu socday kulan kaasi ayaa looga wada hadlay habsami usocodka shaqada Bangiga gaar haan laanta Boosaaso.

Wasiirka Wasaaaradda Maaliyadda Dawaldda Puntland iyo wafiga uu hogaaminaayay ayaa booqday qayabaha kala duwan ee Bangiga iyo shaqalaha.

Sawirro.

IDIL NEWS