Garoowe: Dhalinyaro loo Tababarayo ku shaqeynta Mashruuca JPLG (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland, ayaa  Tababar u furtay 18 Dhalinyaro ah oo isugu jirta Wiilal iyo Gabdho, kuwaas oo la barayo ku shaqeynta Mashruuca JPL ee Hormarinta Degmooyinka Puntland.

Agaasimaha Wasaaradda arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba, oo ka hadlay furitaankii Tababarka, ayaa Sheegaya in Dhalinyaradan ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee la barayo sidii ay ugu shaqeyn lahaayeen Mashruuca JPL.

Agaasime Jubba ayaa sheegay in Dhalinyaradan 18 ah ay 9 kamid ah yihiin Wiilal, halka 9 kalena ay yihiin Dumar, kuwaas oo ka baxay Jaamacaddo.

Daawo.

IDIL NEWS