Hoggaamiye Ku-xigeenkii Daacish oo lagu dilay Duqeyn (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Amniga Puntland ayaa xaqiijiyay in duqeyn ka dhacday gobolka Bari lagu dilay ku xigeenkii hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdixakiin Dhoqob.

Wasiirka waxaa uu sheegay in duqeynta ay si gaar ah uga dhacday Tuulada Xiriiro oo hoostaga Degmada Isku-Shuban ee Gobalka Bari.

Dhinaca kale Duqeynta ayaa loo maleynaya iney fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka, waxaana la sheegay xilliga la beegsanayay in ay ku jireen Safar.

 Qof kale oo ana weli la aqoonsan ayaa la sheegay inuu la dhintay ninkaasi, iyadoo la sheegay in Gaari noociisa ay somalidu u taqaan (Kabta Buudka uu watay) Ninkan.

Daawo.

IDIL NEWS