Shaqaalaha kasoo jeeda Degaanada Puntland oo laga saaray Wasaaradaha DF Soomaaliya (Warbixin)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Shaqaalaha kasoo Degaanada Puntland ee ka Shaqeeya Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa hoos u dhacay 2 Sanno ee u dambeysay, sida ay muujineyso Qiimeeyn la sameeyay.

Qiimeeyntan oo lagu sameeyay Boqoley ahaan, ayaa muujineysa in Dadka ugu yar ee ka shaqeeya Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka, ay kasoo jeedaan Degaanada Dowladda Puntland.

Shaqaalaha Dowladda Federaalka ee ugu badan ayaa Qiimeynta lagu sheegay inay kasoo jeedaan Degaanada Somaliland, Iyagoona ah 22%, waxaana kusoo xiga Dadka kasoo Jeeda Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed oo ah 18%.

Qiimeynta ayaa lagu Sheegay in Shaqaalaha kasoo jeeda Degaanada Puntland ee u shaqeeya Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Federaalka ay yihiin 2.2%, taas oo la micno ah in Dadka kasoo jeeda Degaanada Dowlad Gobaleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland ay uga badan yihiin Shaqaalaha Dowladda Federaalka.

Sidoo kale, Qiimeynta ayaa lagu sheegay in Bilihii ugu dambeeyay Shaqaale ka badan 15 Qof, laga ceyriyay Wasaaradaha Dowladda, kuwaas oo ay kamid yihiin Labo Agaasime oo kamid ahaa Wasaaradda Gargaar ee Xukuumadda Federaalka, kaddib markii la go’aamiyay in la dhimo Agaasimayaasha Wasaaraddaas oo gaarayay 8 Agaasime.

Waxaa kaloo qiimeynta lagu sheegay in Dhalinyaro badan oo kasoo jeeda Degaanada Puntland, kana qalinjabiyay Jaamacaddo Dalka iyo Dibedda ah ay ku dhiban yihiin Magaalada Muqdisho, kaddib markii ay waayeen Shaqooyin Dhowr ah oo ay ka doonteen Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka.

Qiimeyntan ayaa la micno ah in tan iyo markii uu Hoggaanka Dalka la wareegay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, ay soo xirmeen Fursadihii Dhalinyarada kasoo jeeda Degaanada Puntland ay ka heli jireen Wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowladda Federaalka.

IDIL NEWS