Wasiir Taaraan “Puntland Cidna ugama Qeyb-galeyso Shirarka Tamarta Soomaaliya” (Daawo)

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf (Taaraan), ayaa Sheegay in aysan jirin Cid Puntland uga qeyb-galaysa Shirarka Tamarta iyo Macdanta ee ay Waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta Puntland Mr. Taaraan ayaa Sheegay in Dowladda Puntland ay ay sameysay Wasaaradda Tamarta iyo Macdan, ayna tahay tan kaliya ee Dowladda ku mateli karta Shirarka la xariira Shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Waxaa uu Sheegay in cid kasta oo Daneynaysa Shidaalka iyo Macdanta ay kala hadleyso Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Dowladda Puntland, aysana jirin cid ka sokeysa oo laga xaajoon karo, Wasiir Taaraan ayaana xusay inay soo dhaweynayaan.

Daawo.

IDIL NEWS