Cape Town: Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dilalka lagu hayo Soomaalida

CAPE TOWN (IDIL NEWS)-Danjiraha Safaarada Soomaaliya ee Dalka koofur afrika Jamaal Maxamed Barrow ayaa waxaa uu Magaalada Cape town kula Kulmay Qaar kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee Magaaladaasi, kuwaasi oo goobahoodi ganacsi Bililiqo iyo Boob ay u geysteen dadka deegaanka ee Xaafadaha Nomzamo iyo Lwanda oo ku yaala Tuulada Strand oo ka mid ah Magaalada Cape town.

Safiirka ayaa waxaa uu Booqday goobihii Ganacsi ee Soomaalida Strand lagaga boobay, Halkaas oo uu warbixinno arinkaan la xariira uu kaga dhegeystay Soomaalida.

Waxaa uu u ballan-qaaday Ganacsatadii uu La kulmay in uu dhibaatadooda u gudbin doono Dowladda Soomaaliya, si ay Dowladda Koofur Afrika ugala hadasho dhacdooyinkaasi soo noq-noqday ee jinsi naceybka ku salysan, inta badannna lagu barakiciyo dadka ajaanibta ahi.

Ugu dambeyn, Safiirka waxa uu ugu baaqay Soomaalida in ay ka Foojignaadaan xilliyada ganacsigooda boobka loo geysananyo fal dambiyeedyo laga yaabo in ay xaaladda uga sii daraan.

IDIL NEWS