Hooyada Caa’isho Ilyaas oo sheegtay in la marin habaabiyay Kiiskii Gabadheeda (Daawo)

GAALKACYO (IDIL NEWS)-Saynab Cabdiwahaab oo ah Hooyada dhashay Caasho Ilyaas Aadan  oo aheyd Gabar yar, Da’deedu gaareysay 12 sanno jir, oo la hadashay Warbaahinta ayaa Sheegtay in Cadaalad xumo ay tirsaneyso Dowladda Puntland.

Saynab C/wahaab ayaa Sheegtay in ay aad uga xun tahay in Ciidamada CID-da Puntland, ay maanta shaaca ka qaadaan inay bilaabayaan Baaritaanka Kufsigii iyo Dilkii loo geystay Caa’isho Ilyaas oo ay kasoo wareegtay Labo bilood.

Waxaa ay sheegtay in Rag sheegay inay ka socdaan Ciidanka CID-da Puntland ay shalay u yimaadeen iyagoo sheegaya inay bilaabayaan baaritaanka Kiiskii Caa’isho, ayna xuseen in Ciidanka PSF-tu ay horey uga boobeen barista Kiiskan.

Hooyo Saynab ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, inuu u fuliyo balanqaadkiisii ahaa inay cadaalada la horkeeni doono dadka loo hayo Falkii foosha xumaa ee loo geystay Gabadheeda.

Daawo.

IDIL NEWS