Madaxweyne Deni “Waxaa Dhowaan dib loo bilaabayaa Dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe” (Daawo0

ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa Ku dhawaaqay in dhowaan Dib loo bilaabayo Dhismaha Wadada Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe, taas oo uu hakad ku yimid sanadkii hore ee 2018-ka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Khudbad ka jeedinayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo Jaaliyadda Reer Puntland ee Dalka Imaaraadka Carabta, ay caawa ugu qabteen Magaalada Abu Dubai, ayaa sheegay in kulan uu dhowaan Caasimadda Puntland ee Garoowe kula yeeshay Safiirka Dalka Jarmalka ee Soomaaliya, ay isla qaateen in dib loo bilaabo Mashruuca Dhismaha Wadada Gaalkacyo-Garoowe.

Madaxweynaha ayaa xusay in dib loo saxayo waxyaabihii sababta u ahaa in uu istaago Mashruuca Dhismaha Wadadan, isagoona sheegay in Xukuumadda Puntland ee uu Hoggaamiyo ay dadaal ugu jirto ka miro-dhalinta Mashaariicda Hormarineed ee ay Puntland u balanqaadeen Saaxibadeeda.

Daawo.

IDIL NEWS