Midawga Afrika oo Wakhti kama dambays ah u qabtay Hoggaamiyeyaasha Suudaan.

ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa 15 maalmood u qabtay hoggaamiyeyaasha milatariga ee Suudaan si ay xilka ugu wareejiyaan xukuumad rayid ah, ama xubinnimada laga laaban doono.

“Xukuumad ku meelgaar ah oo milatarigu hoggaaminayo waxay si buuxda uga soo horjeedsan doontaa wixii ay baadigoobayeen dadka Suudaan” ayaa lagu yiri war saxaafdeed uu soo saaray golahaasi ka dib kulan uu ku yeeshay xaruntiisa dhexe ee caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midawga Afrika ayaa dalbaday “in guddiga milatarigu uu awoodda iska dhiibo, kuna warreejiyo xukuumad rayid ah” iyadoo aysan arrintaasi la dhaafayn 15 maalmood, haddii kalana Suudaan laga mamnuuci doono ka qaybqaadashada dhammaan arrimaha Midawga Afrika.

Guddigaasi wuxuu intaas ku daray in xubin kala noqoshadaasi ay sii jiro doonto tan iyo inta dastuurkii dalka Suudaan dib looga soo celinayo.

IDIL NEWS