Moscow: Soomaaliya oo ka qeyb-galaysa Shirka Dowladaha Carbeed iyo Ruushka

MOSCOW (IDIL NEWS)-Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb gasho shirka 5aad ee Dowladaha Carbeed iyo Ruushka kaas oo Maanta oo Talaado ah  ka furmaya Magalada Moscow  oo ah Caasimadda Wadanka Ruushka.

Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galaya wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, kuwaas oo Maalin ka hor gaaray Magalada Moscow ee dalka Ruushka.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa la filayaa in shirka Maanta uu sirasmi ah u furo,waxana shirka diirada lagu saari doonaa sida ay u wada shaqeyn karaan dowladaha Carbeed iyo Dowladda Ruushka.

Soomaaliya ayaa shirkaasi waxa uu u noqonayaa shirkii labaad oo ay ka qeyb galaan,waxaana kan kii ka horeeyey uu  ka dhacay Sanadkii 2017-dii wadanka isutaga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo xubnaha wafdiga ah ee la socda ayaa sidoo kale waxa ay kulamo la qaadan doonaan inta ay ku sugan yihiin wadanka Ruushka wufuuda kala duwan ee Carbeed iyo kuwa Ruushka, iyaga oo kala hadli doona Arrimaha Soomaaliya.

IDIL NEWS