Booliska Soomaaliya oo kasoo saaray duleedka Muqdisho Miinooyin culus (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Taliye Ku-xiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Zakiya Xuseen Axmed oo Shir jaraa’id ku qabatay magaaladda Muqdisho ayaa faah faahin ka bixisay howlgalada amniga lagu sugayo ee Ciidanka Ammaanka ay ka wadaan Muqdisho iyo duleedkeeda.

Gen. Zakiya ayaa sheegtay in ciidamada amniga ay ku guuleysteen in Miinooyin aad u culus oo nooca Taangiga ah ay ka soo saaraan Hareeraha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kuwaasoo ay sheegtay in argagixisada ay doonayeen inay ku dhibaateen dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan.

Taliye Kuxiggeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale sheegtay in Ciidanka Ammaanka ay gacanta ku hayaan 16 Ruux oo lagu tuhmayo Al-Shabaab inay ka tirsan yihiin iyo mid kale oo isagoo falal amni darro ku howlan gacanta lagu soo dhigay, waxaana ay xustay in raggaan ay baaris ku socoto, dibna ay ka soo sheegi doonaan natiijada.

Ugu dambeyn Gen. Zakia ayaa tilmaamtay in Ciidanka Ammaanka ay ku raad joogaan Xubo ka tirsan Alshabaab, kuwaasoo ay sheegtay inay ku dhex dhuumanayaan Bulshadda dhexdeeda.

Daawo.

IDIL NEWS