Boosaaso: Puntland oo ugu baaqday Shacabka inay u hoggaansamaan Olalaha Bilicda Magaalada

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guruyeynta Dowladda Puntland Axmed Bashiir Muuse Ciro, ayaa ugu baaqay Shacabka Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland inay u hoggaansamaan Olalaha kor u qaadista Bilicda Boosaaso oo dhowaan bilaabanaya.

Wasiir Ciro ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu bilaabanayo olale lagu nidaaminayo Waddooyinka Magaalada Boosaaso, looguna sameynayo balaarin.

Waxaa uu sheegtay in Dowladda Puntland aysan cidna ugu aabayeeli doonin olalaha lagu muujinayo bilicda Boosaaso oo xudun u ah jiritaanka Dowladda Puntland, ayna burburin doonaan Guri iyo Goob kasta oo ay soo galaan fidinta waddooyinka Magaalada.

Daawo.

IDIL NEWS