Garoowe: Shir Lagaga Arinsanayey Tayeynta Shaqaalaha Dowladda oo ka dhacay Madaxtooyada Puntland

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shir lagaga arrinsanayey tayeynta shaqaalaha Dowladda Puntland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa lagaga hadlay sidii loo dardargelinlahaa uruurinta xogta shaqaalaha, dowladda, ka warqabka xaaladda shaqaalaha iyo Tayaynta shaqaalaha laf-dhabarta u ah dowlad-nimada.

Kulankan oo ay goob-joog ahaayeen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, (Ina Abdiladif) Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Abdiweli Cali Timacade (Abdiweli Ali Timacade) Agaasimaaal iyo saraakiil ka kala socdey Wasaaraddaha Shaqada, Shaqaalaha, dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Maaliyadda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Axmed Cabdalla Tigaana (Ahmed Tigaana Abdalla) ayaa ka warbixiyey waxyaabihii looga wada-hadlay kulanka.

“Waxaan maanta is kugu nimid shir ka dhacay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland, shirkaasi waxaa uu ku saabsanaa sidii xog la iskaga siinlahaa loona dar-dargelin lahaa barnaamijka shaqaalaha dowladda oo mudo dad khuburo ah gacanta ku hayeen, barnaamijkaas waxaa uu soo maray xaalado kala duwan waxaa kasoo qayb galay Wasaaraddaha Shaqada iyo Shaqaalaha, Caafimaadka, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada iyo Maaliyadda si loo eego shaqaalahooda wixii maqan, si xogta shaqaalaha loo ogaado ayaa la iskuguyeeray, wuxuuna kusoo dhammaaday guul” Ayuu yiri Agaasime Tigaana.

Daawo.

IDIL NEWS