Muqdisho: Baarlamaanka oo warbixin ka dhageysanaya Guddiga Doorashooyinka

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah shir ku leh xaruntooda, iyadoo xalay lagu wargeliyay Xildhibaanada kulanka maanta oo farriimo qoraaleed loogu sheegay.

Kulanka maanta ayaa warbixin looga dhageysanayaa Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, inkastoo aan weli Golaha Wasiirada soo meel marin sharciga doorashooyinka, hadana waxaa la sheegayaa in Guddiga doorashooyinka uu ka warbixin doono qorshaha doorashooyinka ee sanadka 2020/2021 dalka ka dhici doono.

Sidoo kale ajandaha labaad ayaa ah akhrinta 1aad ee wax ka bedelka sharciga furdooyinka oo ay hor keentay Baarlamaanka Wasaaradda Dekedaha.

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa bilowgiisa hareeyay caqabado, sida kulamo dhowr ah oo u baaqday kooram la’aan iyo kulamadii u dambeeyay oo looga dooday arrimaha amniga.

IDIL NEWS