Muqdisho: Khasaare ka dhashay Qarax loo adeegsaday Gaari (Daawo)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Qarax xooggan oo la adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa, ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ah mid jugtiisa laga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, ayaa si gaar ah uga dhacay afaafka hore ee goob maqaayad ah oo ku dhow Saldhiga Booliska Degmada Waaberi. Waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Wararka ayaa Sheegaya in Qaraxan ay ku dhinteen illaa 5 Ruux, halka 13 ruux ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta gaaray Gawaarida gurmadka deg dega ah Aamin Ambulance.

Qaraxan ayaa noqonaya kii labaad oo maanta ka dhaca Muqdisho, saaka ayaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo uu lahaa Taliyaha Nabadsugida Galmudug waxaa uu ku qarxay agagaarka Hotelka Mubaarak ee Wadada Maka Al-Mukarama.

Daawo.

IDIL NEWS