Wasiir Abgaal “Shaqaale lunsaday Lacag baan Dacwad ka gudbinay”

GAROOWE (IDIL NEWS)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Xassan Shire Abgaal, ayaa shaaciyay in markii u horraysay Maxkamad lagu soo oogay Shaqaale ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, kuwaas oo musuq maasuq ku eedaysan.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo Qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in la qabtay ,dabadeedna dacwad Maxkmadeed lagu oogay, shaqaaale ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda oo lacago dhunsaday.

Wasiir Abgaal ayaa sheegay in shaqaalaha dacwadda lagu oogay uu  kamid yahay Madaxii Canshuuraha Wasaaradda Maaliyadda ee Degmada Qandala ee Gobalka Bari oo ku eedaysan in uu lunsaday lacag dhan $52,000 oo Dollar.

Sidoo kale, Shaqaalaha Dacwada lagu soo oogay waxaa ku jira Madaxii Canshuuraha berriga ee Degmada Carmo oo ku eedaysan, in uu samaystay dukumintiyo been-abuura, si uu lacago ugu qaato.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland Xasan Shire Abgaal, ayaa sheegay in Shaqaalahan Dacwadda laga gudbiyay oo aan magacyadooda la xusin, ay Maxkamadu xannibtay hantidoodii shakhsiga ahayd, waxaana dacwadda lagu oogay hor taalla Maxkamadda oo go’aan ka gaari doonta.

IDIL NEWS