Madaxweyne Alan García oo Istoogtay

LIMA (IDIL NEWS)-Alan García Madaxweynihii hore ee dalka Peru ayaa geeriyooday ka dib markii uu istoogtay xilli ay booliska ay isku dayeen in ay kasoo xiraan gurigiisa ka dib markii lagu helay  eedeymo musuqmaasuq ah oo loo jeediyay.

Mr García ayaa markii hore loola cararay isbitaalka magaalada caasimadda ah ee Lima.

Dhimashadiisa waxaa xaqiijiyay madaxweynaha Peru ee hadda xilka haya, Martín Vizcarra.

Markii hore waxa uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanadihii 1985-kii ilaa 1990-kii, isagoo mar kale dalkaas xukumayay intii u dhaxeysay 2006-dii ilaa 2011-kii.

Wasiirka arrimaha gudaha Carlos Morán ayaa warbaahinta u sheegay in markii ay booliska tageen gurigiisa, uu Mr García ka codsaday inuu telefoon dirsado, ka dibna uu galay qol, albaabkana uu soo xirtay.

IDIL NEWS