Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Wasiirada Puntland ? (Daawo)

GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir guddoominayey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa looga hadlay arrimaha amniga dalka,  Aragtida Dowladda Puntland ee arrimaha imtixaanaadka shahaadiga ah, Barnaamijka dib u habaynta iyo casriyeyenta Hay’adaha Dowladda Puntland, Dib u eegista xeerka kufsiga iyo Warbixino kale.