Muqdisho: Banaan-baxyo balaaran oo laga cabsi qabo maanta

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Banaan-baxyo balaaran ayaa laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda ay ka bilowdaan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga soo hor-jeedo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Banaan-baxyadan oo ah mid saacadihii lasoo dhaafay hadal-heyntooda ay hareysay Baraha Bulshada, ayaa waxaa ka qeyb-qaadan doono Dadka Barakacayaasha ah iyo Dhalinyarada ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo sheegay inay caqabado kala kulmeen Dowladda Federaalka.

Saaxiibada Siyaasadda ee Madaxweyne Farmaajo, ayaa ku eedeeyay Mucaaradka inay ka dambeeyaan Banaan-baxyadan, ayna ku bixiyeen Lacag fara-badan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho shalay kusoo bandhigay Ciidamo Boolis ah oo loogu tala galay inay ka hortaggaan rabshaddaha.

Mas’uuliyiinta Hay’addaha Ammaanka ayaa sheegay in Ciidankaan loogu tala galay in ay ka hortaggaan Banaanbaxyadda.

IDIL NEWS