Yuusuf Garaad iyo Thaabit Cabdi oo baaq wadajir ah kasoo saaray Xaalada Muqdisho (Akhriso)

MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa baaq wadajir ah ka soo saaray xaalada magaalada Muqdisho.

Baaq wadajir ay u soo saareen ayay ku sheegeen in bajaajlayaasha Muqdisho ay tacadiyo kala kulmaan Ciidamada dowladda, isla markaana ku dhowaad 50 ka mid ah ay u xiran yihiin Booliska.

Waxaa ay ku baaqeen in nabadda iyo xasiloonida la ilaaliyo, iyagoo ugu baaqay dowladda in aysan xaalada uga darin.

Halkan hoose ka akhriso baaqa:-

BAAQ FURAN

Annaga oo ka warqabna culeysyada kala duwan ee saaran dhallinyarada, gaar ahaanna wadayaasha bajaajka, BL-ka iyo tagaasida Muqdisho, ayaan haddana idiin qireynaa in aad ku dadaasheen kuna guuleysateen in aad shaqo abuurataan. Waxa aad gacan weyn ka geysataan isu socodka dadweynaha magaalada idinka oo ugu adeegaya qiimo jaban.

Waxaan wadajir idiinkugu baraarujinaynaa muhiimadda nabadda iyo xasilloonida oo la’aanteed aan shaqadiinnu socon karin. Sida aad ogtihiin, Amni-darro iyo xasillooni la’aani waxay sababi karaan dhibaatooyin shaqo la’aan aad uga culus.

Sidaa darteed waxaan idinku boorrineynaa in adinka oo dantiinna ilaashanaya, u turaya shacabka Soomaaliyeed oo waalid iyo walaal ah, kuna kabaya Dowladnimada Soomaaliya aad ka fogaataan wax kasta oo wax u dhimi kara nabadgelyada iyo xasilloonida oo ah danteenna guud.

Cabashooyinka aad qabtaan, oo waliba qaarkood aan ka garaabeyno, waxay tahay in aad xalkooda u martaan dariiq nabadgelyo. Haddii aad sidaas ku sifowdaan waxaan ku kalsoon nahay in ay dad badani idinku taageri doonaan halgankiinna xuquuq u doodka ah.

Dowladda waxaan u soo jeedineynaa saddex qodob oo kala ah in xaaladda aan looga darin, la qaboojiyo rabshadaha hadda taagan iyo in xal waara loo helo oo tan oo kale aanay dib u soo noqon.

Si aan xaaladdu uga sii darin waxaa nala habboon in laga dhowrsado erayada uga dari kara xaaladda. Si gaar ah waxaan u soo jeedineynaa in laga gaabsado eedeymaha aan loo heyn caddeyn buuxda iyo wax kasta oo shaki iyo kala qeybin u horseedi kara bulshada magaalada, maaddaama ay tahay in ay Hoggaamiyayaasha dhaqanka ee magaaladu ay wadajir u wajahaan mushkiladda.

Si karka magaalada hoos loogu dhigo waxaan Mas’uuliyiinta Dowladda ugu baaqeynaa in dhallinyarada loo turo, lana fahmo in ay cadaadis iyo xad gudub dhab ah ka cabanayaan. Waxaan soo jeedineynaa in dhallinyarada la xiray oo dhan la sii daayo. Iyo in la baaro dilalka dhacay ciddii dembi geysatayna Maxkamad la soo taago.

Ugu dambeyn waxaan soo jeedineynaa in la qaado tallaaboyin lagu xaqiijinayo in dilka iyo xadgudubyada ka dhanka ah dhallinyaradu aanay dib u soo laaban.

Tallaabooyinka taas lama huraanka u ah waxaa ka mid ah in booliiska iyaga oo hubeysan shacabka lagu sii dhex deynayo la hubiyo in dhammaantood ay qaateen tababbar booliis. Dabcan waxaa tababbarkaas qayb ka ah sida ay shacabka saaxiib ula noqon lahaayeen, taas oo howshooda u fududeyneysa, sharafna ay uga mudanayaan walaalahood. Askarigii ama sarkaalkii aan tababbarkaas qabin inta uu qaadanayo tababbarka waa in uu ka shaqeeyaa xafiisyada, bakhaarrada, gaadiidka, xeryaha iyo shaqooyin kale oo booliis laakiin aan la soo horjoojin bulshada.

Waxaa kale oo muhiim ah in dhallinyarada iyo dadweynaha magaalada oo dhan wakiilladooda ay Booliiska iyo Dowladduba la yeeshaan gacansaar, si joogta ahna loo xalliyo cabasho kasta, ka hor inta aanay isu rogin qalalaase. Ama ugu yaraan in la iska qanciyo cabashada.

Ugu dambeyn, waxaan soo jeedineynaa in wadashaqeyn dhow lala yeesho Hoggaamiyayaasha Dhaqanku iyaga oo wadajira, isla markaasna ay iyaguna wadajir u wajahaya wixii dhibaato soo ifbaxa.

Waxaan u rajeyneynaa booliiska iyo dhallinyaradu in ay gacmaha is qabsadaan, ogaadaan in aayahooda iyo aayaha Soomaaliya ay ku xiran yihiin dhallinyarada oo isku kalsoonaata, cududda iyo maskaxdooda mideeysa, una jiheysa horumarinta dadka iyo dalka Soomaaliya.

Guuleysta

Danjire Yusuf-Garaad Cumar                                 Thabit Cabdi Maxamed

IDIL NEWS