Akhriso: Taariikh Nolaleedkii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland

GAROOWE (IDIL NEWS)-Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi, Guddoomiyihii hore ee Baarlamanka Dowladda Puntland ayaa ku dhashay Abbaaro 1952 Degmada Jirriiban ee Gobolka Mudug.

Wuxuu waxbarashadiisa heerarka kala duwan ku qaatay Magaalada Muqdisho iyo Garowe oo ka qalin jabiyey kulliyada shareecada iyo qaanuunka P.S.U.

Marxuum C/rashiid Maxamed Xirsi ayaa soo qabtay shaqooyin kala duwan sida macallin dugsiyada Hoose dhexe, Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey Mashruucii Warshadda Sonkorta (Jubba Sugar Project).

Markii ay burburtay Dawladdii dhexe wuxuu ka mid ahaa dadkii u qaxay xeryaha qaxootiga Dalka Kenya, halkaas wuxuu ka bilaabay xirfaddii macallinimada oo ay aad ugu baahnaayeen caruurtii galay xeryaha qaxootiga.

Waxa kale oo in muddo ah u shaqeynayey Hay’adda Care International. 1998dii wuxuu ka mid noqday ergadii ka qaybgashay dhismihii Dawladda Puntland.

Allaha u Naxariistee Marxuum C/rashiid Xirsi ayaa kamid noqday 66 Xildhibaan ee lagu bilaabay Baarlamaankii ugu horeeyey ilaa laga gaaray 2014-kii oo uu ku biiray Golihii cusbaa Dawladdii Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Wuxuu qabtay Xilalka Wasiirka Wasaaradaha Hawlaha Guud iyo Guriyeynta, Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda (2014-2018) Wuxuu soo hoggaamiyey Golaha Wakiilada Puntland muddo 5 sannadood ah (2009 – 2013) 20-kii Sano ee ay Puntland dhisbeyd 15 sano oo kamid ah wuxuu kamid ahaa Baarlamanka, 5 sanana Golayaashii xukuumadda ee u danbeeyay.

Allaha u Naxariistee Marxuum Cabdirashiid Maxamed Xirsi, ayaa maanta ku geeryooday Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland, waxaana geeridiisa ka tacsiyeeyay Madaxda ugu sareysa Dowladda Puntland, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Degaanka.

IDIL NEWS