Boqor Salman oo casuumaad u soo diray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti.

RIYADH (IDIL NEWS)-Boqorka Sacuudi Carabiya Salman bin Abdulaziz ayaa warqad Casuumaad ah u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Casuumaddaan ayaa daaray in ay kasoo qeyb galaan shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo looga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

Shirkaan ayaa Magaalada Riyaad Bisha Ramadaan  la filayaa in uu ka qabsoomo.

Boqorka ayaa sheegay in shirkaan uu yahay Mid muhiim ah oo sare loogu qaadaayo xiriirka ka dhaxeeya dalalka Carabta ee ku yaalla Afrika, si ay qeyb kaga noqday dadaallada dowladda Sacuudiga ay ugu jirto horumarinta dalalka Carabta.

IDIL NEWS