Garoowe: Puntland oo ugu baaqday Warbaahinta inay ilaashaan Xuquuqda Dhibanayaasha

GAROOWE (IDIL NEWS)-Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Aamino Maxamed Nuur, ayaa sheegtay in Warbaahinta Soomaalida, gaar ahaan kuwa Degaanada Puntland ay ku tunteen Xuquuqaha Haweenka Dhibanaha ah.

Aamino Nuur ayaa Sheegay in looga baahan yahay Warbaahinta inay ilaashaan Xuquuqaha ay lee yihiin Dadka Dhibanayaasha ayna ka fogaadaan inay soo bandhigaan Wajiyada Haweenka ah Dhibaneyaasha, taas oo ay sheegtay inay wax yeelayso Mustaqbalkooda Berri.

Ugu dambeyntii, Agaasimaha Waaxda Jinsiga ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowladda Puntland Aamino Maxamed Nuur, ayaa tilmaamtay inay Dowladda Puntland dadaal ugu jirto dhowrista iyo Cadaalad helista Dhibanayaasha.

Daawo.

IDIL NEWS