Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland oo Heshiis gaaray

ABU DUBAI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan qarsoodi ah ku yeeshay Magaalada Abu Dubai ee Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaas oo looga hadlayay xaalada Colaadeed ee Gobalka Sool.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah oo xogaha ku geedaaman aad loo qariyay, ayaa yimid kaddib markii Imaaraadku ku qanciyay Madaxweynaha Dowladda Puntland kulan Madaxweyne Biixi, Sidoo kalena biixi si deg deg ah looga yeeray Hargeyso oo doraad uu ka duulay.

Labada Madaxweyne ayaa la sheegay in kulankoodu uu qaatay Dhowr Saacadood, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn inay Heshiis inay wada-gaareen iyo in kale, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynayaashu ay isku fahmeen arrimihii ay ka wada-hadleen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ay ku heshiiyeen in la qaboojiyo Xiisada dagaal ee Gobalka Sool, Sidoo kalena dhinacyadu isugu yimaadaan kulan Heshiis looga gaarayo Xiisada dagaal oo soo taagneyd 12 Sanno.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa kulan kaddib shalay soo gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya, halkaas oo uu uga qeyb-galayo Shir u dhexeeya Madaxweynayaasha 3 Dowlad Gobaleed iyo Xubnaha Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya.

IDIL NEWS