Nairobi: Madaxweynayaasha Puntland, Jubbaland iyo Galmudug oo Shir u furmayo

NAIROBI (IDIL NEWS)-Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa maanta Shir uga furmayaa Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya, kaas oo looga hadlayo Xaalada Siyaasadeed, ammaan iyo Dhaqaale ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa xalay gaaray Magaalada Nairobi, Isagoona ku biiray Madaxweynaynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowaanahan ku sugnaa Nairobi.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa la filayaa in Shirkooda kaddib ay kulan la yeeshaan Xubnaha Beesha Caalamka eek u sugan Nairobi.

Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Xubnaha Beesha Caalamka ayaa ka wada-hadli doono Arrimo ay kamid yihiin Xaalada ammaan ee Soomaaliya iyo sidii Beesha Caalamku ay si toos ah u soo gaarsiin laheyd Dowlad Gobaleedyada Taageerada Beesha Caalamku ay siiso Soomaaliya oo hada lasoo marsiiyo Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Xamar.

Shirkan maanta uga furmaya Magaalada Nairobi Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleedyada Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, ayaa imaanaya xilli shalay uu baaqday Shirkii Golaha Amniga Qaranka oo uu dhowaan ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, kaddib marki Madaxweynayaashan ay ka biyo diideen.

IDIL NEWS