Nin u hanjabay Ilhan Omar oo xabsiga la dhigay.

WASHINGTON (IDIL NEWS)-Ciidanka Booliiska dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen nin ka mid ah Koox Ilhaan Cumar ugu hanjabtay in ay dili doonaan, kaasoo  ah Cunsuri ay ku weyn tahay Naceybka dadka soo galootiga ah.

Ninkaan ayaa lagu helay Eedeymo kala duwan oo ah in uu maleegayay wareeraro lagu qaado dadka Islaamka ah.

Booliska waxa ay sheegeen in la qabtay ninkaan ka dib markii uu  cod farriin ah uu u diray xubno ka tirsan xisbigga Dimoqraadiga, islamarkaana uu ku sheegayay in uu dili doono Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Eedeysanahaan oo 49-sano jir ah waxaa lagu magacaabaa John Kless,kaas oo lagu eedeeyay in cod farriin ah oo hanjabaan ah uu u diray Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib oo ah haweenka Muslimka ah oo ku jira xisbigga Dimoqraadiga.

Booliska Mareykanka waxa ay sheegeen in sharciga la marsiin doono, islamarkaana Saacaddaha soo socda uu kasoo muuqan doono Maxkamad.

IDIL NEWS